Kaarka maktabadda


Si aad wax u amaahato waxaad u baahan tahay kaarka maktabadda, kaasoo ku shaqeeya maktabadaha magaalada Borås oo dhan. Xataa sharciga amaahda ama qarashka la bixiyo way kawada siman yihiin maktabadaha magaalada Borås. Kaarka maktabada waa bilaash marka koowaad, hadii aad kaarka cusub oo kale samaysanaysid waa 20 karoon ruuxa weyn 10 karoon shaqsiga 18 sano ka yar. Markaad samaynayasid kaarka maktabadda waa inaad haysataa teesarahaaga. Dhalinyarta 18 sano ka yar waxaa looga baahan yahay inuu waalidka u saxiixo.

Kaarka maktabadda waxaa isticmaali kara ruuxa ku qoran kaliya. Si fiican u daryeel! Haduu kaa lumo isla markaa diiwaan geli!

Ruuxa wax amaahanayo wuxuu saxiixayaa:

  • Inuu si fiican u daryeelo buugaagta iyo waxa kale uu amaahday
  • Inuu ku soo celiyo buugaagta iyo waxa kale uu amaahday waqtigii loogu talo galay.
  • Haduu la soo daaho ama uu haleeyo buugaagta iyo waxa kale uu amaahday waa inuu bixiyo  qarashka ay go´aamiyeen gudiga dhaqanka
  • Inuu soo qaato kaarka maktabada mar walba uu imaanayo maktabada
  • Inuu si dhaqso ah ku soo wargeliyo haduu magaciisa ama cinwaankiisa bedelo
  • Inuu mas´uul ka yahay ilaa laga tir tirayo wuxuu amaahday

Waqtiga amaahda

Waqtiga amaahda waa 4 todobaad laga bilaabo maalinta aad amaahatay. La soco in waqti ka gaaban ay dhici karto! Buugaagta qaarkood, cd-yada la dhageysto ama kuwa lagu cayaaro waxaa la amaahan karaa hal isbuuc.

Filimaanta oo dvd ah waqtiga la amaahan karo waa 7 maalmood. Dvd waxaa amaahan karo ruuxii 15 sano buuxiyey.

Hadii waqtiga kaa dhaco waxaad amaahatayna aad soo celin wayday arimahan ayaa dhacaya:

  • Qarasha la daahida ayaa laguu soo dirayaa.
  • 10 maalmood markuu waqtiga dhaco warqad xusuusin ah ayaa laguu soo dirayaa.
  • 14 maalmood xusuusinta kadib waxaa laguu soo dirayaa warqad lagu leeyahay bixi qarash u dhigma qiimaha wixii aad amaahatay.
  • 30 maalmood kadib arinka waxaa loo gudbinaayaa inkasso.
  • Qarashka inkassada hadii la bixin waayey waxba ma amaahan kartid ilaa aad ka bixiso maahee.
La soco in xisaabta lagaa masaxayo markaad soo celiso wixii aad amaahatay. Laakiin mar walbaa waad bixinaysaa qarashka hadii waqtiga dheeraadka ah, khidmada hawsha, iyo wixii inkasoo ee soo raaca.
Dela |
Skriv ut sidan
Sidan uppdaterad: 2011-11-11
Kontakt
Stadsbiblioteket
Tel: 033-35 76 20
boras.stadsbibliotek@boras.se
Fax: 033-35 76 75
Webbansvarig:
jessica.johansson@boras.se
033-35 72 32

Besöksadress
Aug - nov:
Sturegatan 37
503 42 Borås

från och med december:
P.A. Halls Terrass

Postadress
Borås Stadsbibliotek
501 80 Borås

Leveransadress
Sturegatan 35
503 42 Borås

Du kan få en pin-kod, du behöver uppge ditt bibliotekskortsnummer samt ditt födelsedatum i denna form: åååå-mm-dd (till exempel 1990-02-08)
Tfn 033-35 70 00     e-post boras.stad@boras.se     Postadress Borås Stad 501 80 Borås
Om webbplatsen >>               RSS>>